Shir Xasaasi ah oo Garoowe uga Socda Madaxdii hore iyo Hugaanka Puntland.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni.

Shirkan aya waxaa sidoo kale goob joog ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo dood ay ka taagan tahay.

,Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay hadlay ayaa sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Kulanka ka furmay ayaa kusoo aadaya, xilli ay Villa Somalia isku dayeyso in ay meel-mariso dastuurka dalka oo ay haatan ku howlan yihiin labada gole ee baarlamaanka dalka.

Saddexda nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee ay waddo Villa Soomaaliya, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.