Shirarka Horudhaca ee Hanaanka Wadashaqaynta Tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Waaxda Isu-Duwidda Deeqaha (Aid Coordination) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ayaa maanta si rasmi ah u furtay Shirarka Horudhaca ee Hanaanka Wadashaqaynta Tiirarka (Pre-Pillar Working Group Meetings), si loogu diyaar garoobo Shirarka Hanaanka Wadashaqaynta Tiirarka ee Qaab-dhismeedka deeqaha (Aid Architecture) kaas oo ku saleeysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (PWG) ee la qorsheeyay bisha Maajo 2025.
Shirarkan oo soconaya afar maalmood (27–30 Abriil 2025) ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda hay’adaha dowladda, oo ay ka mid yihiin wasaarado, hay’ado iyo Wakaalado (MDAs), si ay dib u eegis ugu sameeyaan mashaariicda socda, una waafajiyaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025 (NTP), isla markaana soo saaraan barnaamijyada hortabin ah.
Maanta oo ahayd maalinta koowaad, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadanaha, iyadoo la qiimeeyay heerka fulinta yoolalka, la isweydaarsaday warbixino ku saabsan mashaariicda socda, lana caddeeyay caqabadaha hor taagan maalgelinta.
Shirarka ayaa maalmaha soo socda diiradda saari doona Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, Tiirka Dowlad-wanaagga, iyo Tiirka Deegaanka iyo Adkeysiga Cimilada, si loo dhammeystiro qorsheynta ajendaha Shirarka Tiirarka ee fooda nagu soo haya.
Shirarka Horudhaca ee Tiirarka waxay door muhiim ah ka ciyaarayaan hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ee 2025, iyagoo xoojinaya wada-shaqaynta iyo hufnaanta dadaallada horumarineed ee dalka.