Shirka Afaraad Ee Madasha Wasaaradaha Dastuurka Oo Ka Furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta si rasmi ah uga furmey kulankii Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa furay kusimaha Madaxweynaha D Koonfur Galbeed soomaaliya Ahna Wasiirka Amniga  Maamulkaas Xasan Xuseen Maxamed Xasan (Eeley),waxana ka qeyb galaya wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya C/raxamaan Xoosh Jibriil iyo Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Kulanka inta uu socdo ayaa waxaa la is weeydaarsan doonaa Dood ku saabsan dib u eegista Dastuurka dalkeena Soomaaliya .

Wasiirka Dastuurka Dowladda federalka Soomaaliya C/raxamaan Xoosh Jibriil ayaa waxa uu sheegay in ay la kumi doonaan Maalmaha ay Joogaan Magalada Baydhabo Bulshada reer Baydhabo si ay iyagana ay waxa ugu ogaadan dib u eegista Dastuurka dalka Soomaaliya .

Wasaaradda Arrimaha dastuurka Dowladda federaslka Soomaaliya ayaa maal mahaan waxa ay wadey Wadatashiyo ay la yeelaneyso cid waliba oo quseeya hanaanka dib u eegista dastuurka dalka Soomaaliya.