Shirka Amniga Galmudug oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada dhuusa-mareeb

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug maanta waxaa lagu soo gabeeyay shirka Amniga degaanada Galmudug, kaasi oo socday muddo Saddex maalmood ah.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa ka qeyb galay Guddiga Amniga Galmdudug, Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu horkacayay Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wafdi ka socday UN-ka oo maanta gaaray magaladaasi.

Intii uu shirkan socday ayaa waxaa looga hadlay ammaanka degaanada Maamulka Galmdudug, sidii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga harsan yihiin Maamulka iyo qodobo kale.

Shirkan ayaa daba scoday shirkii Golaha Amniga Qaranka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo 6-dii ilaa 10-kii bishan socday, ayna ka qeyb galeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, oo ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.