Shirka Booliska D/Goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay gaar ahaan Madaxtooyada waxaa barkhanimadii maanta ka furmay shirka Booliska Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedyada, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaradaha Amniga maamulada dalka ka jira.

Shirkan oo laba cisho ka socon doona magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa furay Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo shalay Baydhabo gaaray.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa warfidiyeenka u sheegay in shirkan looga hadlayo arrimo badan oo la xiriira Booliska, sida in la xoojiyo wada shaqeynta Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada iyo in dib u dhis balaaran lagu sameeyo Ciidanka Booliska.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska kaashanaya sugidda amniga