Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhoweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, kaasi oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salah Jama, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan uu madaxweynaha ku martiqaadey madaxda goboleedyada, si ay shirkan muhiimka ah uga qeyb galaan ay tilmaameyso sida dowladda federaalka uga go’an tahay balaarinta wada-tashiyada siyaasadeed ee wadar oggolka ah ee lagu gaarayo go’aamada masiiriga ee dalka, iyada oo la raacayo dastuurka dalka u degsan iyo hay’adaha sharciga ee dastuurka lagu qeexay.

Shirkaan ayaa wuxuu imaanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.

Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.