Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa galaya maalintii labaad, iyada oo madaxda ay ka wada hadli doonaan xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo siyaasadda.
Kulanka manta ayaa waxaa guddooomin doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay ka qeyb galayaan ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore.
Sidoo kale, qoddobka sida gaarka ah looga hadli doono ayaa ah hirgalinta doorashada iyo arrimaha la xiriira.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka maqan shirkaan golaha wadatashiga qaran tan iyo January 2023, markaasi oo uu sii xooggeystay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.
Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada uu dhammaaday muddo xiloodkoodii, isla markaasna ay mucaaradka codsanayaan in doorasho la qabto.