Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada si ay uga hadlaan dhowr ajendo oo ugu wayn yahay la dagaalanka ‘AS’.
Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, shirkaan waxa ay madaxdu isaga xog-warraysan doontaa dardargelinta dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo sidii loo xoojin lahaa ciidanka heer federaal & heer Dowlad-Goboleed ee iskaashanaya.
Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi barre iyo mas’uuliyiin kale ayuu qorshuhu yahay in ay gudbiyaan qorshaha howlgallada ee dhinaca Dowladda.
Dhankooda Madaxda Dowlad-Goboleedyada waxa ay madasha la shirtagayaan qorshahooda ku aaddan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo garab istaagga xooggan ay ugu baahan yihiin Dowladda Federaalka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baaqday bishii Abriil sanadkaan 2024 waxaana ay madaxdu markale ku ballameen in uu qabsoomo iyada oo ugu dambayn maanta uu yahay qorshihii ugu dambeeyay ee kulankaan.
Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxda Dowlad-Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa horay usii joogay Muqdisho waxaana ka maqan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo aanay ka qaybgelin kulamadii ugu dambeeyay ee Golahaan.