Shirka Muhiim ah Oo Ka Qabsoomay Muqdisho…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen hoggaanka Tiirarka Xukuumadda, oo looga hadlayay hanaanka dowladnimada casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xafiiska ra’iisul wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

Xamza oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.

Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa dhawaan sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

Xamza ayaa markaas qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

Dowlada dhexe ayaa dadaal ugu jirta sidii amniga dalka ugala wareegi lahayd ciidmaada nabad ilaalinta midowga Afrika ee atmis kuwaasi oo lagu wado dabayaaqada bishaan inay ka fududaadan dalka oo inta ugu badan ciidankaan Soomaaliya laga qaado waxaana Soomaaliya ku rajo Wayn tahay in Amniga Dalka ay la Wareegto.