Shirka Golaha Wasiirada OO lagu qabtay muqdisho.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana ay ka hadleen xaaladda guud ee dalka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, iyada oo golaha la horkeenay warbixino iyo shuruuc ay soo diyaariyeen Wasiiradda.

Golaha wasiirada ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale warbixino ka dhageystay Wasaaradaha arrimaha gudaha,  Amniga iyo Gaashaandhigga Warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo bandhigay halka uu marayo barnaamijka xasilinta goobaha ay ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka kala wareegeen AS.

Ugu dambeyn, wasaaradda Gaashaandhiga ayaa golaha u soo gudbisay warbixinadii u dambeeyay ee howlgallada ka dhanka ah AS ee ka sodcda dalka.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan ra’iisul wasaare Xamse uu kormeer iyo dhiirigalin ugu tagey ciidamada xoogga iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaannada maamulkaasi.