Shirka Golaha Wasiirada Oo Muqdisho ka dhacay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, kaas oo lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sannad Maaliyadeedka 2023 oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii ka dhacay Degmeda Luuq   ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, Xukuumadda oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wada hadal lagu xalliyo.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka dalka looga saarayo Al-shabaab.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa ku soo aadayo, xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu ka soo laabtay Shirweynaha Qurba joogta Soomaaliyeed oo ka dhacay dalka Qadar.