Shirka Golaha wasiirada somaaliya oo maanta kafurmaya magaalada Garowe

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland maanta waxaa la qorsheynayaa inuu ka qabsoomo shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib markii shalay gelinkii halkaasi ay gaareen Golaha Wasirada oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Shirka ka dhacaya magaalada Garowe oo ah shirkii caadiga ahaa ee todobaadkiiba mar ay isugu imaan jireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda ayaa waxaa shir guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo inta badan Golaha Wasiirada.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in xalay inta badan xal loo raadinayay xaalada Siyaasadeed ee ka dhalatay dhagax dhiggii Dekadda Garacad.

Xiisadan ayaa ku bilawmatay kadib markii Xukuumadda Puntland iyo hogaankeedu aysan ku farxin in Ra’iisul Wasaare Kheyre uusan dhagax dhiggin Dekadda Garacad, waxaana jawaabcelinta taasi noqotay in la isku dayo in la baajiyo shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee qorshuhu yahay in maanta lagu qabto Garoowe.

Diyaarada Muqdisho ka qaaday Golaha Wasiirada dhowr jeer ayaa la hakiyey, oo ay mar fuulaan marna ka degaan Wasiiradu diidmo ka soo baxaysay xiligaasi Madaxtooyadda Puntland awgeed, laakiin ugu dambeyn waa ay nabad tageen Garowe.

Golaha Wasiirada ayaa Garowe tagay iyada oo ay weli taagan tahay dooda la xiriirta in shirka la baajiyo, waxaa jiray culays Madaxweyne Gaas uu saarayay Wasiiro qaybtood ku goodiyay inay is casilayaan hadii shirka Golaha Wasiiradu qabsoomo.

labada dhinac ayaa xalay shirar waqti badan qaatay yeeshay, Ra’iisul Wasaare Kheyre wuxuu Golihiisa Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal kula shiray hotel ku yaalla Garowe, halka Madaxweyne Gaas-na uu Golihiisa kula shiray Madaxtooyada.

Waxaa jiray dadaal wax la isugu soo dhoweynayay oo ay sameeyeen xubno isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano labada dhinac ah, xiisada arrintan la xiriirtay waxay sidoo kale sababtay in la baajiyo xafladdii Sanadguurada 20-aad ee Puntland, oo sanad walba la qaban jiray xalay oo kale.

Wararkii ugu dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya in lagu heshiiyay inuu qabsoomo, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Waxaa soo horeyn doona kulan dhexmaraya Xubnaha Puntland ugu jira Golayaasha Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Wasiirada Puntland, ka dibna waxaa rasmi u furmaya shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Golaha Wasiirada Puntland.

Wasiirada qaar oo si hoose ula hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen shirkan inuu ka dhigan yahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda, islamarkaana uu muujinayo midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo.

Mudada ay joogaan, waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Puntland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu shirkan noqonayaa midkii Labaad oo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho, kadib markii bishii July 2017-kii Golaha Wasiirada ay shir ku yeesheen magaalada Kismaayo.