Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shirguddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.