Shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika Iyo Japaan Oo Maanta La Soo Gaba Gabeynayo

Shalay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika waxaa ka furmay shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan,waxana lagu wadaa in shirkaas Maanta la soo gaba gabeeyo.

Shirkaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wadanka Japan,waxana ka qeyb galaya Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika.

Shirkaas oo socday ,mudo laba Maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shirkaas u metelaya Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan,waxana la filayaa in Maanta Warmurtiyeed laga soo saaro.