Shirka Maayarada Dalalka Islaamka Oo Jabuuti Ka Furmaya & Guddoomiye Yariisow Oo Ka Qeyb Galaya

Shirka Maayarada dalalka Islaamka oo Maanta furmaya & Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galaya

Maanta oo axad ah ayaa lagu wada in dalka Jabuuti uu ka furmo shirka Maayarada Wadamada Islaamka,waxana Soomaaliya uga qeyb galaya Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Guddoomiyaha ayaa shalay Gelinkii dambe waxa uu gaaray dalka Jabuuti,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay si uu shirkaasi uga qeyb galo.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa.

Shirka Maayarada dalalka ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin sidii ay xiriir joogta ah u yeelan lahaayeen Madaxda Caasimadaha wadamada Islaamka iyo sidoo lagu horumarin lahaa Magaalooyinkaas