Shirka Madasha Guddiyada Dastuurka Oo galay Maalintii labaad Garowe

Magaalada Garoowe ayaa waxaa maalintii labaad ka socda shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed,kaasi oo shalay ka furmay halkaas.

Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo maalmitii labaad galay,iyadoo looga tashanayaa cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobodaareed) oo shirkaasi si rasmi ah u furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka.