Waxaa Maalintii labaad galaya Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, kaas oo shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.
Shirka oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlayaa Qodobadii kasoo baxay Shirkii olaha wadatashiga Qaran oo siyaasiyiinta mucaaradka ay diideen, kuwaas oo ku saabsan doorashooyinka, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u habeynta Dastuurka iyo xalinta khilaafaadka kajira dalka.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay sidoo kale dood adag dhinacyadu ka yeelanayaan qodobka ku saabsan in dalka uu yeeshay laba Xisbi kaliya, isaga oo sidoo kale sheegay in Maanta kulanka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta uu noqon doono mid xasaasi ah.
Sida aan horay u ogaanay Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore Maanta ayaa qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo, wallow waqti dheer ah ay ku darsan karaan madaxada shirkooda