Shirka magaalada Kismaayo oo maalintii labaad galay

Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shir maalinkii labaad galay, kaasi oo u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira, oo isugu tagay halkaasi, kadib markii uu casuumay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin iyo qaarkood oo culeysaad siyaasadeed kala kulmay dowladda ayaa dhamamantood jeediyay hadalo lidi ku ah dowladda federaalka, kadib furitaankii shirkan ee shalay.

Shirkan oo maanta galay maalinkii labaad ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa dhawr arrimood oo ku qotoma xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u dhiska ciidanka iyo qeybsiga qeyraadka.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen in xalay hoyga martida ee Kismaayo ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen Madaxda dowlad goboleedyada iyo Wakiilka QM oo weli ku sugan Kismaayo, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale kale xalay waxaa magaalada Kismaayo kulamo ku yeeshay Wasiirada dowlad goboleedyada ka kala socda, waxayna ka arrinsadeen guddiyo midow ah oo Wasiirada ay sameysanayaan, si ay u xoojiyaan wada shaqyenta dhexdooda ah.

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland uu wareejin doono xilka Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, bacdamaa ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin.

Kulankan oo berri la soo gaba gabeyn doono sida uu qorshaha yahay, Madaxdan lama oga waxyaabaha dhabta ah ee shirkoodan ay ka soo saari doonaan, laakiin sida looga bartay waxay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeyn doonaan waxyaabaha ay isku fahmeen.