Shirka ururada iskaashiga islaamka Oo maanta Kafurmaya magaalada Muqdisho

Shirka Kooxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa Ergooyinka ka qeyb galaya qaarkooda ay saakay soo gaarayaan magaalada Muqdisho,halka shalay qaarkooda lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Hadda waxaa ku sugan Muqdisho Wafdi ka socda  Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga , Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal.