Shirka Wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran Oo kafurmay Muqdisho

Shirka wadatashiga Diyaarinta  Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ee loo qabtay hayaddaha kala duwan ee dowladda ayaa maanta kafurmay magaalada Muqdisho .

Shirkaan ayaa loo qabtay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda si ay fikirkooda ugu daraan hanaanka diyaarinta dib u hishisiinta qaran oo ay  diyaarineyso wasaaradda arimaha gudaha.

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay shirka waxaa uu tilmaamay  in muhiimada shirkaani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.