Shirka wadatashiga Hiigsiga Qarni-Jirka 2060 oo ka furmay Magaalada Dhusamareeb

Agasimaha Guud ee wasaradda Qorsheynta Abdullahi Omar Aden Ayaa Magalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ka furay Shirka wadatashiga Hiigsiga Qarni-Jirka 2060.

Shirkaan oo diirada lagu saray ahmiyada Hiigsiga uu u leeyahay horumar ka dalka iyo saamaynta hiigsiga qarni-jirka 2060
waxaa shirka qeyb ka ahaa bulshada rayidka ah ee Galmudug qaybaheeda kala duwan
Iyada oo ay araahdooda ka dhiibanayeen.
Shirkaas waxaa daadihinayey habsami u socodkiisa Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Golaha, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Hassan Adam Hosow.

Ugu dambayn bulshada reer galmudug ayaa talooyin ka soo jeediyey shirka su,aalana ka waydiiyey gudiga.
uga dambayn Agaasimaha gudiga ayaa jawaabo waafi ah ka bixiyey Suaalihii ay bulshadu waydiiyeen.

Agasimaha Guud ee wasaradda Qorsheynta Abdullahi Omar Aden ayaa bulshada kula dardaarmay in ay araahdooda ku biiriyaan higsigaan si tashigaan uu uga soo baxo wax fa,iiddo uleh Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan