Shirka Wadatashiga Wasaaradaha dhallinyarrada ee heer federaal iyo dowlad goboleed oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka Wadatashiga 2-aad ee wasaaradaha dhallinyarrada iyo ciyaaraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa socon doona labada maalmood, waxaan diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa  Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii  dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada la wadaagay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada,  shaqo la’aanta,  maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.