Shirkada DPWorld oo Jabuuti uga digtay in ay sharikad kale ku wareejiso Dooraale

Sharikadda Maamusha Dekadaha ee DPWorld ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynayo heshiiska ay DPWorld iyo Dowladda Jabuuti wada galeen.

Warbixin ay soo saartay sharikadda ayey ku sheegtay in haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u leedahay in ay dacweyso islamarkaana sheegto bur bur hantiyadeed in loo geystay.

Waxaa Warbixinta ka soo baxday DPWorld lagu sheegay in iyada oo kaashaneysa hay’adda dhinaca Sharciga ee DCT,ay dacwad ka dhan ah Dowladda Jabuuti ka furayaan Magaalada London ee caasimadda Dalka Ingiriiska.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in sharikadda PIL oo laga leeyahay dalka Singapore ay heshiis kula gaartay maamulka Dekadda Dooraale kaddib markii bishii hore ay jebisay heshiiska DPWorld ay ku maamuleysay dekaddaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa DPWorld ku eedeysay in ay la wareegtay qeybta go’aan gaarista Dekadda Dooraale iyada oo leh saami la eg 33%,halka ay 66% leedahay Dowladda