Shirkadda Huawei oo loo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka bannan Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Soomaali ayaa madaxda Shirkadda Huawei ee laga leeyahay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka bannaan Dalka.

Maxamed Soomaali ayaa sheegay in ay bogaadinayaan horumarka Shirkaddaan ay sameyneysay sanadihii lasoo dhaafay, waxa uu ku booriyay in ay ka faa’iideysato fursadaha ka bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa daneynaya in uu maalgashi ku sameysto Qaaradda Afrika, Madaxda Dalkaas ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka faa’iideysiga fursadahaan oo sare u qaadaya horumarinta dhaqaalaha labada Dal sida hadalka loo dhigay.

Shirkadda Huawei waxaa la aasaasay 15kii September sanadkii 1987dii, waxa ay kamid tahay shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee dhanka teknolojiyadda ku shaqeeya, sanadihii u dambeeyay waxa ay ku dhaqaaqaysay horumaro kala duwan.