Shirkii Booliska ee ka socday magaalada Baydhabo oo lasoo Gebegebeyay

Shirkii ka socday Magaaladda Baydhabo ee u dhaxeeyey Booliska Federaalka, kuwa dowlad goboleedyadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaraddaha dhigeeda ah ee Maamulada dalka ka jira, ayaa lasoo gabagabeeyay.

Shirkaan oo socday dhowr maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada Booliska Soomaaliyeed sidii loo xoojin lahaa.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa Shirkaasi shir guddoominayay, waxaana ka qeyb galay inta badan Madaxda Ciidamada  Booliska Maamul goboleedyadda.

Xasan Bariise oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixinaayay Shirka ayaa waxaa uu sheegay in lagu heshiiyay in la xoojiyo wada shaqeynta Ciidamada Booliska.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in iska kaashan doono soo qabashadda kuwa dambiyadda gala ka dib u baxsa meelaha taliska booliska maamulkaasi uusan ka jirin.