shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo Oo baaqday

Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii wadatashiga ahaa oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada.

Baaqashada shirkan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii madaxda maamul goboleedyada oo aan Muqdisho soo gaarin inay soo saareen warqad war-murtiyeedkii ku qornaa ay ka mid ahaayeen in ammaanka Muqdisho aanan la isku haleyn karin, islamarkaana loo baahan yahay garab Saddexaad oo dhex dhexaadiya dowladda federaalka iyo madaxda mamaul goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho 17-ka September oo maanta ku beegan ilaa 18-ka Sebteembar oo berri ah ayaa looga wada-tashan lahaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli lahaa shirka waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah  Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhan yahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan lahaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. qodobadan ayaa ahaa kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Golaha Amniga Qaranka waxaa qeyb ka ah Madaxda maamul goboleedyadda oo shir ay ku yeesheen dhawaan magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, ilaa amar dambe.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen in dowladda federaalka ay ka gaabisay in maamul goboleedyada ay kala hadasho tabashadooda, midaasina aanan loo baahneyn, waxaa hada socda dadaalo ay wadaan aqalka sare oo ay isugu soo dhaweynayaan dhinacyadan uu khilaafka ka dhaxeeyo.