Shirweynaha Golaha Guud ee Dalladda SOMA Oo Ay ka qayb galeen ilaa 38 Idaacadood Oo Radiogalgaduud Kamidtahay oo kafurmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Golaha Guud ee Urur Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association) oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano SOMA, waxaana Shirweynahaas ka qayb galey ilaa 38 Idaacadood oo ka kala socdey gobolada iyo magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa Shirweynahaas furitaankiisa ka hadley ku-simaha Guddoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaraan, waxaana uu sheegey in Shirweynaha looga hadli doono sidii Warbaahinta isaga kaashan lahayd Horumarinta Wariyeyaasha  islamarkaana ay u waji lahaayeen wixii caqabado ah oo ku yimaada Xarumaha Warbaahinta iyo Wariyeyaasha.

“Maanta waxaan u fadhinaa sidii Xubaha ku mideysan SOMA ay wax uga badeli lahaayeen islamarkaana waxa ugu dari lahaayeen Xeerka Ururka, sidoo kale waxaa Shirweynahan uu noqon doonaa mid balaaran oo ay xubno ka noqon doonaan Telefishinada, Wargeysyada iyo Web-Site-yada”. Sidaa waxaa yiri Ku simaha Guddoomiyaha SOMA Mudane Makaraan .

Xubnihii kale ee ka hadley Shirweynahaas  waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka SOMA Mudane Maxamed Cabdi Wahaab C/laahi, waxa uu sheegey in Shirweynahaas uu socon doono muddo Laba maalmood, islamrkaana in inta uu socda lagu dooran doono Xubnaha hoggaamin doona ururka SOMA

Shirkan oo qorshaha uu yahay in la soo gaba gabeeyo maalinta berri ah oo 15-ka August ay ku beegan tahay ayaa waxaa kale oo looga hadli doonaa sidii loo balaarin lahaa Barnaamijka WADAAG oo ay baahin jireen qaar ka mid ah Idaacadaha ku mideysan SOMA, waxaana la filyaa in Shirweynhaas lagu xulo Idaacado kale oo baahiya Barnaamjkaas, iyada oo sidoo kale uu qorshaha yahay in shirkan lagu soo bandhigo Buug si weyn uga hadlaya Badqabka Wariyaha.