Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed (SSIA) ayaa ka socda magaalada Muqdisho, isagoo galay maalintiisii saddexaad. Shirkan, oo markii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii, ayaa sanadkan dib loogu soo celiyay Muqdisho kadib 35 sano.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furay shirweynaha, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si cilmiyeeysan loo derso caqabadaha ku horgudban horumarka dowladnimo, dhaqaale, iyo aqoonta ee ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in dowladda ay garab istaagi doonto aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.
Shirweynaha waxaa ka qeyb galaya in ka badan 400 oo ergo ah, oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi-baarayaal caalami ah, iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta jaamacadaha Geeska Afrika. Inta uu socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta cilmiga baraha bulshada, dhaqaalaha, iyo cadaaladda. Waxaa sidoo kale jira hadal-jeedino ay soo jeedinayaan cilmi-baarayaal iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, kuwaas oo ka hadlaya arrimaha muhiimka ah ee horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa fursad u siinaya ka qeybgalayaasha inay isdhaafsadaan fikradaha iyo waayo-aragnimada, si loo helo xalal waara oo lagu horumarinayo bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in gabagabada shirweynaha laga soo saaro daraasado iyo talooyin ku saabsan horumarinta bulshada, dhaqaalaha, iyo cadaaladda ee Soomaaliya.