Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) oo si Rasmi ah Muqdisho uga Furmay

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u soo agaasimay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo kaashanaya hay’adaha ay khusayso nidaamyada dijitaalka ah.
Furitaanka shirweynaha waxaa ugu horreyn khudbad ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Xildhibaan 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗘𝗗 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟I, oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) iyo doorka ay ku leeyihiin dhismaha dowlad casri ah. Wasiirku wuxuu sharaxay aragtida guud ee qorshaha, mudnaanta la siinayo nidaamyada mideysan, iyo baahida loo qabo fulin leh jadwal cad iyo natiijooyin la cabbiri karo.
Intaas kadib, Wasiirku wuxuu kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗮𝗮𝗹𝗮𝘅 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰, oo si rasmi ah u furay shirweynaha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaal dijitaal oo mideysan, ammaan ah, isla markaana fududeynaya helitaanka adeegyada dowladeed, isaga oo xusay in DPI ay laf-dhabar u noqon doonto hannaanka dowladnimo ee ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan.
Shirweynahan wuxuu astaan u yahay isbeddel istaraatiiji ah oo dalka ka saaraya mashruucyo dijitaal oo kala go’an, kuna hagaya nidaam qaran oo isku xiran oo leh jihayn mideysan. Ma aha kulan ku eg hadal iyo aragti is-weydaarsi, balse waa bilow rasmi ah oo lagu dhisayo kaabayaal dijitaal oo waara.
Intii uu socday shirka, waxaa la qabtay doodo furan iyo soo jeedino wax ku ool ah oo ay ka dhiibteen mas’uuliyiinta dowladda, bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta, khubaro tiknoolajiyadeed iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah. Doodahaasi waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loo dardargelin lahaa sharciyeynta nidaamyada dijitaalka ah, loona hubin lahaa in kaabayaashu noqdaan kuwo loo dhan yahay oo dalka oo dhan gaara.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa la filayaa inuu noqdo saldhigga qorshe qaran oo mideysan, kaas oo Soomaaliya u horseeda horumar dijitaal oo la jaanqaadi kara isbeddelka tiknoolajiyadeed ee caalamka.