Shirweynaha sanad-laha ah ee Hindiya iyo Qaarada Afrika oo ka furmay Caasimada New Dalhi oo Socon doono muddo 3 maalin ah.

Shirweynaha sanad-laha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika (India Africa growth partnership) ayaa ka furmay magaalada New Delhi dalka Hindiya, waxaana dowladda Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir.

Shirweynaha 18-aad ee Hindiya iyo Afrika oo soconaya muddo sadax maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhinacyada kala duwan ee horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tignoolajiyada.

Shirka waxaa marti-galisay dowladda Hindiya, halka dowladaha Afrika ay ka socdeen wakiilo iyo diblomaasiyiinta ku matala Hindiya, shirkaan waxaan inta badan diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin, iskaashiga qeybta hawada ee Orbit-ka, sahminta hababka cusub ee kobaca maalgalinta, wax ka beddelka kaabayaasha horumarinta Afrika, wax soo saarka suuqyada guud ee Afrika, abuurista iskaashiga waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha iyo iskaashiga tignoolajiyada casriga ah.

Dowladaha Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan yeesha kulamo kala duwan oo ay ku gorfeeyaan arrimaha gancsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo guud ahaan xiriirka soo jireenka ah ee Hindiya iyo Afrika.