SHOOK: Tani Caddeyn Ma U Noqoneysaa In Liverpool Ay Ku Aaday Roma Afar Dhammaadka Champions League?

Waxaa taageerayaasha Liverpool Shook ku riday warbixin lagu soo daabacay Websiite-ka Roma khamiistii.

Reds waxa ay tikidhka u goosteen afar dhammaadka Champions League kaddib markii ay 5-1 isu geynta goolasha labadii lugood ee rubuc dhammaadka uga badiyeen Manchester City.

Dhinaca kale Roma waxa ay Stadio Olimpico ka sameysay dhacdo qarniyo laga sheekeyn doono Champions League kaddib markii ay 3-0 ku reebtay Barcelona oo Camp Nou 4-1 uga soo badisay.

Labada kooxoodba waxa ay hadda si xamaasad leh u sugayaan qorituuka dhawr saacadood kaddib lagu qaban doono Nyon, Switzerland.

Laakiin Roma, waxa ayba iyada oo aan la gaarin wax ku qortay Website-keeda.

Taageerayaasha leh indhaha Gor Gorka ayaa arkay qoraal lagu shaaciyey in hadda la iibinayo tikidhada kulanka Roma iyo Liverpool.

Waqtiga la ciyaarayo kulanka waxaa lagu xusay 2-da May oo ah lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League la dheeli doono.

Taas waxa ay ka dhigan tahay in Liverpool ay kooxda Talyaaniga ah soo dhaweyn doonto 25-ka April lugta hore oo lagu ciyaari doono Anfield.

Taageerayaasha Merseyside ayaa beegsaday Twitter-ka kaddib markii ay arkaan qoraalkaas

“Waxaa muuqata in tikidhada Liverpool Vs Roma la iibinayo, wax walba berri ayaa wax walba laga ogaan doonnaa UEFA,” mid ayaa sidaas qoray.

Mid kale waxa uu qoray :”Haddii ay tani dhacdo mar dambe ma aamini doono UEFA!”

Laakiin taageere shaki qabay ma aaminin arinta.

“Daacaddi taageereyaasha Liverpool waa doqomo. Joojiya waxyaabaha aad meelaha la ordeysaan,” ayuu ku falceiyey.

Liverpool waxa ay isu diyaarineysaa afar dhamaadkeedii kowaad tan iyo 2008.

Halka Roma aysan waligiiid UEFA Champions League afar dhammaadkiisa u soo gudbin.

Qorituurka afar dhamaadka Champions League galabta 2pm (Labada galabtii) ayuu maanta ka dhici doona Nyon, Switzerland.