Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Waxaa Goordhow la Soo Gebagebeeyay doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ay Maanta ku tartameen,21 Musharax,hayeeshee wareegii Saddexaad ee ugu dambeeyay  ay isugu soo hareen laba Musharax.

Wareega Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Saciid Cabdullaahi Deni iyo Asad Cismaan Cabdillaahi.

Janeraal Asad Cismaan Cabdullaahi  ayaa helay 31 Cod

Halka  Saciid Abdullahi Deni uu   Cod 35

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in Siciid Cabdullaahi Deni uu yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  5-ta Sana ee soo socota.