Sida Ay U Garab Istaageen Jamaahiirta Liverpool, Caawintii Uu Ka Helay Klopp, Dareenkiisa Afar Sano Kahor Siduu Ahaa, & Salah Oo Dhowr Arimood Ka Hadlay

Xidiga Reer Egypt ee Mohamed Salah ayaa wuxuu muujiyay sida weyn uu ugu faraxsan yahay garab istaaga xoogan ay u muujiyeen jamaahiirta kooxda Liverpool xili ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa wuxuu wareysi siiyay “Sky Sports” ee dalka England wuxuuna kaga hadlay heesta ah “Boqorka Masaarida” ay Jamaahiirta Liverpool ku weeneenayaan laacibkoodan wuxuuna yidhi: “Waan ku faraxsanahay inaan maqlo kulan kasta, iyo dareenka jacaylka iyo qadarinta ee dhanka taageerayaasha, taas waa waa wax wanaagsan, aad ayaana u jeclahay”.

 

Salah ayaa sii raaciyay: “Markii aan halkan joogay afar sano ka hor ee aan kahor imid Liverpool, waxaan nafteyda u sheegay in maalin uun aan halkan ka ciyaaro, maadaama ay ku sugan yihiin jamaahiir aad u wanaagsan, maalinta ugu horeesay waxaan dareemay taageerid, waxaan dareemayaa inay i jecel yihiin, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan soo bandhigo wax kasta ay awoodeydu tahay, si aan u farxad galiyo”.

Mucjisada reer Masar ayaa wuxuu ka hadlay booskiisa weerarka ee kooxda Liverpool wuxuuna yidhi: “Waxaan bedelnaa qaabka aan u ciyaareyno kulan kasta, mararka qaar waxaan u ciyaaraa weeraryahan labaad, mararka qaarkood waxaan ciyaaraa garabka midig, mararka qaarkood waxaan ku ciyaaraa dhanka bidix, mararka qaar waxaan ciyaarnaa 4-4-1 ama 4-4-2, Waxay ku xiran tahay duruufaha ciyaarta iyo waxa uu tababaruhu doonayo”.

Salah ayaa dhinaca kale ka hadlay sida uu u caawiyay macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp wuxuuna yidhi: “Wuxuu iga caawiyay inaan fiicnaado, si aan u sameeyo waxa aan haatan sameenayo, waana ku faraxsanahay inaan sidaas sameeyo, waxaan heystaa xuriyad ah inaan sameeyo waxa aan doonayo, laakiin waxaan heysanaa 11 ciyaaryahan, waxaana waajib ah inaan mas’uuliyada kala sinaado, waxaana waajib ah inaan sidoo kale ka qeyb qaato dhanka difaacida”.

Mohamed Salah ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan dooneynaa inaan xilli ciyaareedka ku dhameyno afarta kooxood ee ugu sareysa, tani maahan doorasho, waa inaan si aad ah u shaqeynaa, waana inaan u dagaalannaa si aan u sameeno, waxaan heysanaa tababare, ciyaartoy iyo taageerayaal wanaagsan, waana u qalanaa in sidaas ay dhacdo”