Sidda Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Asmara+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Asmara waxaa kusoo dhaweeyay , Madaxweynaha Eriteriya, Wasiir, Xildhibaano iyo Shacab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.