Sishilis Oo Kahortimid Go,Aan Somaliland Ku Siidayeen rag ku Eedeysan Burcad badeednimo

Maamulayaasha dalkaasi waxay cambaareeyeey Tallaabadii Somalia ee lagu sii daayey 19 Burcad-baddeed aan dhamaysanin Xukunadii lagu riday.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Sishilis ayaa lagu sheegay inay Maamulka Somaliland ay Khamiistii la soo dhaafay sii daayeen 19 Maxbuub oo ay horey Maxkamad ku taallo Sishilis ay Burcad-baddeedkaasi ku kala xukuntay Xabsi kala ahaa 30-sanno, 36-sanno iyo 43 sanno.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Badaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sishilis, Iyan Madeleine ayaa sheegtay inay la yaabeen Go’aanka Somaliland iskeeda u qaadatay, iyagoo aan Dowladda Sishili kala tashanin sii-daynta Burcad-baddeedaasi.

Waxay intaasi ku dartay in Go’aanka Somaliland xagal-daacinayo dadaalka Beesha Caalamka ee lagu xakameynayo Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

19-ka Burcad-baddeed ee ay Somaliland sii daysay ayaa la sheegay in sannadkii 2012-kii lagu soo wareejiyey Somaliland, kadib, markii ay Sishislis iyo Somaliland kala saxiixdeen Heshiis Is-afarad sannadkii 2011-kii, si Burcad-baddeeda Soomaalida ee lagu xukumo Sishilis ay xabsiyadooda ugu dhamaysan lahaayeen Xabsiyadda Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey Burcad-baddeeda la sii daayey, kuwaasi oo shalay dib ugu laabtay magaalladda Gaalkacyo o oay Deegaan ahaan ka soo jeedaan.