Siyaasi ka jawaab celiyay hadalkii Sanbaloolshe

 

Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle, ayaa ka jawaabay eedayn uu C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) uu u jeediyay Dowladda Somaliya.

Sanbaloolshe, ayaa Khamiistii sheegay in Dowladda Somaliya ay hal malyan oo dollar ku bixisay doorashada kursigii baarlamaaniga ahaa, ee ka dhacday Magaalada Jowhar, isla-markaana uu ku soo baxay Nuur Iidow Beyle.

Doorashadan oo aad loogu tartamay, ayaa laba wareeg ahayd, waxaana wax dooraneysay 51 ergo. Wareegii labaad waxaa isugu soo baxay Nuur Iidow Beyle oo 27 cod helay iyo Sanbaloolshe oo 24 cod helay.

Cali C/laahi Cosoble oo ka mid ahaa lixdii musharax ee kursigaasi ku tartameysay, ayaa marka hore u hambalyeeyay Nuur Iidow Beyle oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, waxa uu intaa ku daray ka qaybgalka doorashada inay uga muhiimsaneyd inuu taggo Magaalada Jowhar, ka dib muddo billo ah oo uu ka maqnaa.

Waxa kaloo uu sheegay in doorashadu ay u qabsoomtay si habsami leh, iyadoo uu Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku ammaanay inay tartan xalaal ahi u qabteen musharaxiinta.

Cosoble ayaa beeniyay in Dowladda Dhexe ay fara-gelin ku samaysay doorashadaasi, isla-markaana ay dibadda ka joogtay musharaxiintii uu tartanku u dhaxeeyay.