Siyaasiyiin Dowlada ugu baaqay in Ay wadaxaajood lagasho Madaxda M/Goboleedyadda

Xilli wali uu ka socda Magaalada Kismaayo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxa ay sheegeen in ay laga maarmaan tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay la xaajooto Madaxda ku Shirsan Magaalada Kismaayo.

Shirka ay leeyihiin Madaxda maamulada ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana lagu waddaa in laga soo saaro qodobo Saacaddaha soo socda.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyinta Mucaaradka ah ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka gaabisay la macaamilka Madaxda maamulada.

“Dawlada Federaalka iyo dawlad Goboleedyada waxaa ka dhexeeya hawl laga maarmaan u ah geedi socodka ku meelgaarka looga baxayo. Waxaa hawlahaas ugu muhiimsan; dhismaha ciidan qaran oo karti leh, kalsoonina lagu qabi karo, la dagalaan ka Alshabaab, dhamaystirka qabya qoraalka dastuurka, meelmarinta sharciga doorashooyinka, qabashada doorasho qof iyo cod ah, hannaanka uu garsoorka dalka u shaqaynayo, qaybsiga awooda, khayraadka iyo dakhliga dalka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa uu intaa kusii daray baaqiisa” Waxaa Federaalka la gudboon, lama huraan waa cawska jiilaale in ay shirka Kismaayo la xaajooto, inta aysan natiijo ka soo bixin”

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa Khudbadihii ay ka jeediyeen furitaanka Shirka Magaalada Kismaayo, waxaa ka muuqatay Carro xooggan iyo dhaliilo ay u jeedinaayeen Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.