Siyaasiyiin Dowladda ugu baaqay inay wada hadal la gasho Shabaab

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay xilligii uu Wasiirka ahaa in isgoysyada Magaalada Muqdisho ay ku xireen 48 Kaamirooyinka muuqaalada qarsoon duuba ee loo yaqaano CCTV, kuwaasi oo uu tilmaamay inta badan in hada aysan shaqeyneyn.

Wuxuu sheegay arrintan inay ku timid dowladdan hada jirta oo uu sheegay inay ka gaabisay in arrintaasi ay socodsiiso oo ay dabagal ku heyso si ay u sii shaqeeyaan Kaamirooyinka.

Wasiir C/risaaq ayaa qiray in dowladda aysan gaarsisaneyn heerkii la rabay, wuxuuna tilmaamay tayada ciidadama in aysan dhameystirneyn iyo dhinaca sirdoonka oo aan gaarsisaneyn meeshii la rabay.

Dhanka kale C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Guddiga amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay sanadkii ugu dambeeyay ee uu ka tirsanaa dowladdii Xasan Sheekh inay bilaabeen wada hadal inay la galaan Shabaab, isaga oo sidoo kale dowladda hada jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay wada hadal la gasho Shabaab.

“Aniga waqtigii aan joogay waliba sanadkii ugu dambeeyay waxaan bilownay inaan Shabaab wada hadal la galno, dowladda hada jirtana waxaan ku dhiirageliyay in wada hadalkaas la sii wado, kooxaha argagixisada keliya laguma jebin karo awood Millatari, balse waxaa muhiim ah in lala galo wada hadal.” Ayuu yiri Wasiir C/risaaq.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed  ayaa inta badan dowladda hada jirta u jeediya hadalo kul kulul oo dhaliil dhanka amniga ah, iyada oo la xusuusto xilligii uu Wasiirka amniga ahaa inay magaalada ka dhici jireen falal ammaanka ka baxsan.