Siyaasiyiin Kulamo ku leh Kismaanyo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ka dambeeyey kadib markii Madaxweyne Deni uu booqasho ugu tegay halka laga dejiyey Kismaayo labada Madaxweyne,waxana ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka & khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

Kulanka waxaa Madaxweyne Deni ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaas, iyada oo ay jiri doonaan kulamo kale oo madaxda ku dhex-mari doona inta aan la gaarin xaflada caleema saarka Madaxweynaha jubbaland.