Siyaasiyiin soo gaaray Magaaladda Dhusomareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa goordhaw soogaaray safiirkii hore ee Soomaaliya Ampassador Ahmed Abdisalan Haji Aadan, waxaana wafdiga qayb ka ahaa Siyaasiga Kamaal Guutaale oo kamid ahaa musharixiintii xilka madaxwaynaha Galmudug usoo istaag doorashadii dhawaan kadhacday Dhuusamareb balse ku gacan seeray in ay ka qayb galaan tartankii dhacey.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxda maamulka Caasimada Dhuusamareeb oo uu horkacayo Gudoomiyaha Caasimada Dhuusamareeb Abdirahman Geeda Qorow iyo gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Caadimada mudane Abdi Hashi Caroole.