Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan oo madax ka ah xisbiyo siyaasadeed dalka ka jira ayaa ka hadlay tallaabooyin kala duwan oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saddexda siyaasi oo si wadajir shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti, kaasi oo marti-geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Waxaa ay saddexda siyaasi soo dhaweeyeen wada-hadalka Dowladda iyo Somaliland, iyagoo sheegay in wada-hadalkaas uu yahay mid muhiim ah, isla markaana labada dhinac ay uga wada hadleen arrimo kala duwan.
