Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa muujiyay saluug iyo walaac ku aaddan gogosha wadatashi ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in lagu doonayo wadahadal siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka jira.
Siyaasiyiinta mucaaradka, oo ay ka mid yihiin madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ayaa wada kulamo ay kaga arrinsanayaan mowqifkooda ku aaddan shirka ay ku baaqday xukuumadda, iyadoo ilaa iyo hadda aysan si rasmi ah u soo dhaweyn gogosha ay fidisay dowladda Federaalka.
Mucaaradka ayaa tilmaamaya in gogosha wadatashigu aysan weli caddeyn ajandaha, qaabka loo maamulayo shirka, iyo cidda ka qaybgalaysa, taas oo ay sheegeen inay sababtay shakiga iyo diidmada ay ka muujiyeen.
Xubnaha mucaaradka, oo ay ku mideysan yihiin dalladda loo yaqaan Golaha Mustaqbalka, islamarkaana ay xubno ka yihiin Jubbaland iyo Puntland, ayaa bishii hore ku shiray magaalada Kismaayo. Shirkaas ayay kaga dalbadeen in la isugu yeero shirweyne qaran oo si guud looga wada hadlo xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hanaanka doorashooyinka.
Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in xal waara oo laga gaaro khilaafka siyaasadeed uu ku iman karo oo keliya wadahadal loo dhan yahay, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo hannaan wadatashi oo ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoon yihiin.