Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Hay’adda SoDMA iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada u diyaargarowga, ka hortagga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshayaasha lagu wajahayo khataraha la saadaalinayo inay dalka soo gaaraan, gaar ahaan saameynta roobabka El Niño iyo xaaladaha kale ee keeni kara fatahaado, abaaro ama musiibooyin saameeya nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sidoo kale isla eegay sidii loo dardargelin lahaa howlaha gurmadka degdegga ah, samatabbixinta dadka ay musiibooyinku saameeyaan, iyo sidii loo xoojin lahaa gaarsiinta gargaarka iyo adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay xilliyada xaaladaha adag.
Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha dowladda, gaar ahaan Hay’adda SoDMA iyo Ciidamada Xoogga Dalka, si loo helo awood mideysan oo wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadantinimo iyo khataraha soo wajaha shacabka.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa muujiyay diyaar garowga Ciidamada Xoogga Dalka ee ku aaddan taageeridda howlaha gurmadka, samatabbixinta iyo ka qeyb qaadashada ilaalinta badbaadada shacabka marka ay dhacaan xaalado degdeg ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isku xirka hay’adaha dowladda iyo diyaarinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee dalka ka dhici kara.