SoDMA iyo FAO oo ka wada hadlay u diyaar-garowga Super El Niño iyo ka hortagga fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka iyo Haweenka ee Koonfur Galbeed, ayaa maanta qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, u diyaar-garowga Super El Niño, iyo sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanada ay weli ka jiraan xaaladaha bani’aadannimo.

Labada dhinac ayaa si gaar ah xoogga u saaray dardargelinta dadaallada looga hortagayo laguna yareynayo saameynta fatahaadaha, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo xoojinta difaacyada webiyada iyo xiridda meelaha jilicsan ee sababi kara fatahaado saameeya shacabka iyo hantidooda.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sidoo kale kulanka kaga warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah goobaha sida weyn ugu nugul fatahaadaha.

Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqay in la mideeyo dadaallada hay’adaha dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale, si loo xoojiyo u diyaar-garowga musiibooyinka, loona badbaadiyo nolosha dadka iyo hantidooda.