Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland, iyagoo ka wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada loogu diyaar garoobayo musiibooyinka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khataraha la xiriira dhacdooyinka cimilada ee ay ka mid tahay Super El Niño.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha samafalka, si loo horumariyo qorshayaasha ka hortagga musiibooyinka, digniinta hore iyo gurmadka degdegga ah marka ay dhacaan xaalado bani’aadantinimo oo saameeya shacabka.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyey wafdiga NRC howlaha ay Hay’addu ka waddo dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nidaamka digniinta hore, diyaar-garowga musiibooyinka iyo qorshayaasha lagu yareynayo saameynta ay musiibooyinka dabiiciga ah ku yeeshaan bulshada.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee Xarunta SoDMA, isagoo si dhow u eegay howlaha ay Hay’addu u hayso digniinta hore, gurmadka deg-degga ah iyo dhismaha adkeysiga bulshada.
Booqashada ayaa sidoo kale fursad u noqotay labada dhinac inay is dhaafsadaan xog iyo waayo-aragnimo ku saabsan sida loo horumarin karo hababka looga hortago saameynta musiibooyinka iyo sida si degdeg ah loogu gaari karo dadka ay xaaladaha bani’aadantinimo saameeyeen.
SoDMA iyo NRC ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha bani’aadantinimo, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay wajahdo khataro isbiirsaday oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, barakaca, abaaraha, fatahaadaha iyo cunto-yarida.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadista wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu xoojinayo u-diyaargarowga, ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka, si loo yareeyo khasaaraha soo gaara shacabka Soomaaliyeed.