SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wada Hadlay Xaaladaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah oo shalay Muqdisho soo gaaray.
Kulanka labada masuul, oo ay wehliyeen madax ka socota hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada, ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka iyo sidii loo sameyn lahaa iskaashi buuxa oo wax looga qabto xaaladaha ka jira dalka.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher, ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya ay salka ku hayso sidii loo qiimeyn lahaa saameynta musiibooyinka ka dhasha arrimaha bani’aadannimada sida abaaraha, barakaca dadka iyo isbeddelka cimilada.