Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka taagan yihiin xaalado bani’aadannimo oo degdeg ah (Emergency) oo u baahan gurmad iyo wax ka qabasho degdeg ah.
Wafdiga waxaa safarkooda ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadannimada, George Conway, iyo wakiillo kala duwan oo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gargaarka.
Markii ay gaareen magaalada Buurhakabo, wafdiga ayaa si rasmi ah u daahfuray gargaar loogu talagalay ku dhowaad 2,500 oo qoys oo nugul, kuwaas oo si aad ah ugu tiirsan gargaarka degdegga ah. Gargaarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda SoDMA iyo dowladda China, iyadoo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta xaaladaha adag ee nololeed ee ka jira degmada.
Intaas kaddib, wafdiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka, iyagoo ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo, baahiyaha degdegga ah, iyo sida loo dardargelin karo gaarsiinta gargaarka dadka ugu nugul. Sidoo kale, waxay kormeereen xeryaha barakacayaasha iyo isbitaalka weyn ee magaalada Buurhakabo, halkaas oo ay si toos ah ugu kuurgaleen xaaladaha adag ee nololeed iyo kuwa caafimaad ee ka jira deegaanka.
Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan SoDMA, iyo dowladda Shiinaha taageerada ay siiyeen shacabka reer Buurhakabo, isagoo sheegay in gurmadka noocan oo kale ah uu muhiim u yahay badbaadinta nolosha dadka nugul.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in magaalada Buurhakabo la siiyay mudnaan gaar ah marka loo eego xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, isagoo xusay in degmada ay ka mid tahay meelaha ugu daran ee hadda u baahan gargaar degdeg ah iyo taageero joogto ah. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah si loo yareeyo dhibaatada dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee dalka ka jira.