SoDMA oo daah-furtay mashruuc lacageed oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah, kuwaas oo kamid ah qoysaska nugul ee u baahan garab istaag iyo taageero joogto ah.

Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska Agoonta ah sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahooda nololeed ee aasaasiga ah, iyadoo taageerada lacageed ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada duruufaha dhaqaale ee ay la kulmaan qoysaskan.

Mashruuca waxaa taageeraya Hay’adda IHH ee dalka Turkiga, oo muddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha bani’aadannimada, gargaarka degdegga ah iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka danyarta ah, Agoonta iyo carruurta nugul.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago qoysaska nugul, gaar ahaan Agoonta iyo carruurta aan haysan fursado ku filan oo ay ku daboolaan baahiyahooda nololeed.

Waxa uu tilmaamay in taageerada noocan ah ay door muhiim ah ka qaadan karto hagaajinta xaaladda nololeed ee qoysaska danyarta ah, isla markaana ay ka caawin karto inay helaan waxyaabaha aasaasiga ah ee nolosha.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarumaha ay Hay’adda IHH ku leedahay Soomaaliya iyo barnaamijyada kala duwan ee lagu daryeelo Agoonta iyo carruurta nugul. Intii uu kormeerka ku guda jiray, wuxuu warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta hay’adda, isagoo u kuur-galay adeegyada iyo taageerada loo fidiyo carruurta iyo qoysaska u baahan garab istaagga.

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyay dadaallada ay Hay’adda IHH ku bixiso taageerada dadka danyarta ah iyo kuwa nugul, isagoo xusay in iskaashiga hay’adaha dowladda iyo hay’adaha samafalka uu muhiim u yahay sidii gargaarka iyo adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa dadka sida weyn ugu baahan.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qoysaska Agoonta ah ay kamid yihiin bulshada nugul ee u baahan taageero joogto ah, gaar ahaan dhinacyada nolosha aasaasiga ah, waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka carruurta.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IHH, dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac ay door weyn ka qaadan karto wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Mashruucan ayaa noqonaya mid kamid ah tallaabooyinka lagu taageerayo qoysaska nugul, waxaana la filayaa in taageerada lacageed ee la gaarsiinayo 130-ka qoys ay wax ka tari doonto baahiyahooda nololeed ee maalinlaha ah.