SoDMA oo Daah-furtay Shir Qaran oo Looga Hadlay U Diyaar-garowga Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir qaran oo ay ka qeybgaleen wakiillo ka socday warbaahinta dowladda, warbaahinta madaxa-bannaan iyo hay’ado kala duwan oo dowladda ka tirsan. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta doorka warbaahinta ee u diyaar-garowga digniinaha la xiriira Super El Niño 2026 iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xog sax ah, la isku halleyn karo, isla markaana waqtigeeda ku habboon.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Dr. Maxamed Saney Dalmar, Madaxa Sanduuqa Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, khubaro dhanka cimilada ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka shaqeeya maareynta musiibooyinka. Intii uu socday shirka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo mideyn lahaa dadaallada dowladda, warbaahinta iyo hay’adaha samafalka si loo xoojiyo ka hortagga iyo u diyaar-garowga khataraha ka dhalan kara isbeddellada cimilada.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in warbaahintu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee bulshada lagu gaarsiin karo digniinaha hore ee musiibooyinka, isagoo xusay in fariimaha saxda ah ee waqtigooda la gaarsiiyo shacabka ay badbaadin karaan nafaf badan isla markaana yareyn karaan khasaaraha ka dhasha fatahaadaha, roobabka mahiigaanka ah iyo masiibooyinka kale ee la xiriira cimilada.

“Warbaahintu waa laf-dhabarta wacyigelinta bulshada. Haddii fariimaha digniinaha hore si sax ah oo degdeg ah loo gaarsiiyo shacabka, waxaa si weyn u yaraada khasaaraha naf iyo maalba leh. Sidaas darteed waxaan muhiimad gaar ah siinaynaa iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo hay’adaha gargaarka,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan saadaashii ugu dambeysay ee cimilada, iyadoo khubaradu ay faahfaahin ka bixiyeen khataraha la xiriira Super El Niño 2026 iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya haddii aan la qaadin tallaabooyin hore oo lagu xoojinayo u diyaar-garowga. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay qorshayaal lagu horumarinayo nidaamka digniinaha hore, kor loogu qaadayo tayada xogaha la baahinayo iyo sidii bulshada loogu diyaarin lahaa inay si degdeg ah uga falceliyaan digniinaha soo baxa.

Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in warbaahinta ay door muhiim ah ka qaadato baahinta fariimaha digniinaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo la dagaallanka wararka aan saxda ahayn ee carqaladeyn kara dadaallada badbaadinta shacabka. Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda, bahwadaagta caalamiga ah iyo warbaahintu yeeshaan iskaashi joogto ah oo ku saleysan isdhaafsiga xogaha iyo qorsheynta wadajirka ah.

Gabagabadii shirka, waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo u diyaar-garowga digniinaha hore ee Super El Niño 2026, lana sii ballaariyo wada-shaqeynta u dhexeysa SoDMA, hay’adaha dowladda, warbaahinta iyo bahwadaagta kale. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ololeyaasha wacyigelinta bulshada, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xog sax ah oo waqtigeeda ku habboon, taasoo gacan ka geysan doonta yareynta saameynta masiibooyinka ka dhalan kara isbeddellada cimilada.