SoDMA oo Daahfurtay Wajigii Koowaad ee Qeybinta Gargaarka Raashinka ee Cabudwaaq

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo ujeeddadu tahay in la yareeyo saameynta ay abaaraha soo noqnoqday iyo duruufaha adag ee dhanka nolosha ku yeesheen bulshada deegaanka.

Gargaarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA ay ku garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed ee wajahaysa xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan qoysaska nugul ee ay saameeyeen isbeddelka cimilada, abaarta iyo kororka baahiyaha nololeed. Hay’addu waxay sheegtay in mudnaanta la siinayo qoysaska sida aadka ah ugu baahan taageerada, si loo xaqiijiyo in gargaarku gaaro dadka ugu baahida badan.

Munaasabadda lagu daahfurayay wajiga koowaad ee qeybinta gargaarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Raysal Qorane, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Makaawi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada Cabudwaaq.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gurmadka bani’aadannimo uu si degdeg ah u gaaro shacabka ay saameeyeen xaaladaha adag, iyagoo tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo hay’adaha samafalka uu door muhiim ah ka qaadanayo yareynta dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in hay’addu sii wadi doonto gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo bulshada nugul ee ku nool deegaannada ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo. Wuxuu xusay in wajigan koowaad uu hordhac u yahay qorshe ballaaran oo lagu gaarsiinayo gargaar deegaanno kale oo dalka ka tirsan, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada iyo wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah.

Dhankooda, maamulka degmada Cabudwaaq iyo bulshada ka faa’iideysatay gargaarka ayaa uga mahadceliyay Hay’adda SoDMA iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan taageeridda shacabka tabaaleysan. Waxay sidoo kale codsadeen in gurmadka noocan oo kale ah la joogteeyo maadaama ay weli jiraan qoysas badan oo u baahan kaalmo degdeg ah.

Hay’adda SoDMA ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay howlaha gurmadka iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira gobollada dalka, iyadoo fulinaysa barnaamijyo lagu taageerayo dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.